Caruur Soomaaliyeed oo duqeyn lagu laayey gobolka Gedo/maxey galabsadeen?.

0
621

Shalay
galinkii dambe ayaa diyaarado waxaa ay
duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Ilaale
oo kutaal gobolka Gedo gaar ahaan meel
u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya
kala qeybiya.

Tuulaadaa ayaa wararku waxay
sheegayaan inay u jirto xadka 15km
waxayna hoos timaadaa Ceel-waaq
Soomaaliya.

Afar carruur ah-3 wiil iyo gabar ayaa
lagu soo waramay inay halkaa ku
dhinteen kadib markii diyaaradahaasi la
heleen hubkii ay soo ridayeen.
Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta
caalamiga ah u sheegay in
diyaaradahaasi laga leeyahay dalka
Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, diyaaradahaa
ayaa waxaa la sheegay inay
beegsanayeen Al-shabaab. Waxaa sidoo
kale wararku sheegayaan in kasokow
carruurtaa ay duqeynta ku dhinteen
xoolo badan gaar ahaan geel.

Marar badan ayaa dad shacab ah lasoo
tebiyay inay ku waxyeeloobeen
duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka
geystaan gudaha Soomaaliya.