Haweeney Qaxootiga u doodi jirtey una dhalatey ingriis oo la diley/waa maxey sababtu?.

0
627

Booliska
Britain ayaa haatan wada baaritaan la
xiriira dil loo geystay haweeney
xildhibaan dalkaa ka ahayd oo lagu
magacaabi jiray Jo Cox.

Jo Cox ayaa ayadu ka tirsanayd xisbiga
mucaaradka ah ee Labour Party ee
carriga Ingiriiska isla markaana u doodi
jidhay xaquuqda qaxootiga gaar ahaan
Suuriyaanka iyo guud ahaanba soo
galootiga oo dhan.

Haweeneydaas ayaa Khamiistii shalay
waxaa lagu dilay toorey iyo xabbad
intaba ayadoo kasoo baxaysay
xafiiskeeda deegaanka laga soo doorto ee
gobolka West Yorkshire.

Nin lagu qiyaasay inuu jiro da’da
kontanmeeyada ayaa boolisku sheegeen
inuu dilay xildhibaanadaa asagoo ku
qeylinaayay ‘Britain First’ oo la macno
ah “Britian ayaa kow ah”

Ninkaa ayaa haatan wararku waxay
sheegayaan in boolisku jeelka soo
dhigay.