Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa u gudbisey beesha calamka ee Soomaaliya ka taageereysa qabsoomidda doorashooyinka 2016 Guddi Doorasho oo ka kooban 22 xubnood kuwaas oo kala ah shan Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda federaalka kuwaas laga soo xulay shanta beelood, Saddex xubnood oo ka kala socda xafiisyada Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka, iyo 14 xubnood oo ka socda maamulada dalka ka jira oo midkiiba la siiyey laba xubnood.
Marka laga hadlaayo guddi doorasho waa arrin xasaasi ah, waana guddi la doonaayo in uu dhex-dhexaad u noqdo dhamaan dhinacyada u tartami doona Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, sidoo kale sifooyinka lagu soo xulo ayaa ah waayo aragnimo, hufnaan iyo inaan lagu aqoon eex isla markaana sumcad wanaagsan ku dhex lee yihiin bulshada dhexdeeda.
Marka la eego shaxda guddigan ayaa u muuqata dhamaantood in ay yihiin Xubno ka tirsan maamulada iyo federaalka , waxaana la is weydiinayaa sida ay dhex-dhexaad u noqon karaan.
Waxaan la ogeyn sida beesha Caalamka ee dhaqaalaha bixineysa looga iibin doono guddi doorasho oo aan ka madax banaaneyn siyaasadda hadda.
Liiska hos ka eeg.
1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan KG
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan GM
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.





