RW
Somalia, Cumar C/rashiid Cali
Sharma’arke oo safar Shaqo u joogo
Dalka Mareykanka, ayaa kulan la Qaatay
Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda
Mareykanka oo saaxiib dhaw la ah
Soomaaliya.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray
sidii lagu Xoojin lahaa Wada-shaqeynta
Xukuumadda Soomaaliya kala dhaxeyso
Dowladda Mareykanka waxyaabihii laga
wada hadlay waxaa ka mid ahaa in
Soomaaliya laga Taageeri lahaa
Dhinacyadda Dhismaha Ciidanka,
Horumarka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda .
Sidoo kale, RW Sharma’arke ayaa
sheegay in waxyaabaha ugu Muhiimsan
ee ay ka rabaan Dowladda Mareykanka
ay tahay inay Soomaaliya siiso Taageero
ka duwan midka ay hadda siiso xiliga ay
soomaaliya hesho dowlad aanan aheyn
mida hadda jirto .
Ugu dambeyntii, Xukuumadda
Mareykanka – Waxay ka mid tahay
Dowladaha Somalia ka Taageera dhanka
Ciidamada iyo Siyaasadda, Waxaa xusid
mudan in Mareykanka ay ciidan
daraasiin-gaaraya ay ka joogaan dalka
Soomaaliya kuwaasi oo tobobarka iyo
Amaanka ka Caawiya Ciidanka
Soomaaliya iyo kuwa ka socda qaar ka
mid ah dalalka dhaca Qaaradda Afrika.
Kuna jooga Howlgalka AMISOM.
Home Macluumaadka GMDQ & Xisbiyada R/W Soomaaliya Cumar C/rashiid oo Mareykanka ka codsadey in ay gacan ka...





