Wasiirka
arimaha biyaha iyo waraabka ee Kenya,
Eugine Wamalwa ayaa shalay galinkii
dambe qaabilay xildhibaanada iyo
masuuliyiinta waaxda biyaha ee gobolka
Soomaalida ee Waqooyi-bari.
Wasiirka ayaa ku qaabilay
masuuliyiintaas xafiiskiisa, magaalada
Nairobi Kenya.
Masuuliyiintaa ayaa waxaa
hoggaaminaayay xildhibaanka laga soo
doortay Garissa, Mudane Aadan Ducaale.
Waxaa wasiirku uga waramay
mashaariicda dawlada qaran ee Kenya
ay maal galisay ee dhanka biyaha,
bullaacadaha iyo waraabka ee gobolka
Waqooyi-bari.
Ducaale ayaa sidoo kale ka war bixiyay
xaalada biyaha ee magaalada Garissa ee
gobolka Waqooyi-bari, xaalada biyaha
ee Mandheera iyo magaalada Wajeer.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka
ilo badan oo biyood in loo abuuro loo
baahan yahay maadaama gobolka ay
dagaan dad xoolo dhaqato ah oo ayaga
iyo xoolahooduba biyo badan ay u
baahdaan.
Haatan ayaa dadka reer guuraaga ah
waxay biyaha u doontaan meelo fogfog
maadaama ilaha biyaha ama ceelashu ay
ku yar yihiin gobolka Waqooyi-bari labo
daraadle marka loo eego tirada dadka.





