Cabdullaahi Ibraahim Isbiimo – oo horay
uga tirsanaa Maamulka Degmada
Dharkenley iyo Darawalkiisii ayay Kooxo
Hubeysan ku Dileen Degmadaasi.
Koox hubeysan oo saarnaa Mooto Bajaaj-
ta ayaa gaari nuuca raaxada ah oo ay
saarnaayeen labada ruux ee la dilay
waxaa ay ku fureen rasaas.
Sidoo kale, Kooxda Mootada wadatay
ayaa Gaariga isku hor gooyay kadibna
rasaas ayeey ku fureen raggii saarnaa ma
marayay xaafada Salaama ee Degmada
Dharkenley ee gobolka Banaadir .
Guddoomiyaha Dharkeenleey oo la
hadlay warbaahinta ayaa u xaqiijiyay in
dhacadadaasi ay degmadiisa ka dhacday
,waxaana uu intaasi ku daray in ay
hadda degmada ka wadaan Baaritaan
lagu doonayo in lagu soo qabto Dadkii
falkaasi dilka ah geystay balse meesha
isaga baxsaday markii ay dhacdadu
sameeyeen.
Ugu dambeyntii, Xaafadda Salaam ee
Degmada Dharkenley ayay Maamulka
Degmadaas dajiyeen ciidammo ka tirsan
Nabad-sugidda kaddib markii ay bateen
falalka liddiga ku ah amniga ee ka
dhacaya Degmadaasi..
.
.





