
Gabadhan lagu magacaabo linda waxey qortey buug ay u bixisey the house in the sky iyadoo ku faah faahisey marxaladihii kala duwanaa ee ay la kulantey mudadii af duubka loo heystey,waxeyna soo dhaweysey nin u dhashey soomaaliya oo booliska dalka canada ay ku qabteen magaalada toronto ninkaas oo ay linda sheegtey in ay berigaas u tiqiin Aadan balse hada magac kale wata.
Gabadhan ayaa soomaaliya lagu af duubtey sanadkii 2008 iydoo la heystey mudo 15 bilood ah waxeyna sheegtey in lagula kacey waxyaabo bini aadinimada ka baxsan sida iyad00 la kufsanayey mar walba mudadii ay xirneyd ayna aad uga careysantahey ficiladaas lagu sameeyey aysana ilaawi doonin kuwii falkaas ka danbeeyey,waxeyna linda sheegtey in ay aad ula socoto kuwo ku lug lahaa af duubkeeda in ay muqdisho hada ku suganyihiin iyagoo hada sheegta ama iska dhiga saxafiyiin.
Gabadhan oo diidey in ay magaciisa sheegto shaqsiga saxafiga iska dhiga afduubkeedana ku lugta lahaa ayaa shan iyo toban bilood kadib waxaa lagu siidaayey lacag madax furasho ah,waxeyna qortey buugan GURIGII DAYAXA KORKIISA AHAA,oo si aad iyo aad ah loo iibsadey iyadoo wali daba joogta kuwii afduubkeeda ku lugta lahaa oo kii ugu horeeyey hada gacanta lagu dhigey,dad badanina wey garteen kan kale ee ay magaciisa diidey tilmaamaha ay bixisey awgood balse isna waxaan sugeynaa waqtiga gacanta lagu dhigo.




