Maxkamada gobolka banaadir oo shirkad iyo shaqsiyaad ajnabi ah ku ridey ganaax lacageed.

0
462

maxkamadagobolka_t1Maxkamada gobolkan banaadir ayaa xukun ganaax lacageed oo gaaraya 10.000 dolar ku ridey shikad kenyaan ah oo sida lagu eedeeyey sharci daro kaga shaqeysaneysey dalka soomaaliya sidoo kale maxkamada ayaa 27 qof iyagana ku ridey 10 dolar maalintiiba inta sharciga dal ku galku ka dhacsanyahey.

 

Go aankan oo dad badani u arkeen mid mar hore loo baahnaa ayaa waxaa isna ka hadley hugaanka socdaalka iyo jinsiyadaha iyadoo uu digniin adag u direy cid kasta oo dalka soomaaliya si sharci daro ah ku jooga waana dad badani og yihiin in hotellada iyo maqaayadaha muqdisho ay ka wada shaqeeyaan ajaanib kenyaan ah cid kontorooshana hore uma jiri jirin kaliya soomaalidu waxey maqashaa kenya oo soomaalida qab qabata sidii dad aan dal laheyn.

 

Soomaaliya ayaa aheyd dal mar hadii qofku soo galo uu iskaba noqonayo muwaadin la mid ah dadka u dhashey dalka,waxeyna qeybo bulshada ka mid ahi soo dhaweeyeen talaabadan ay qaadey heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo maxkamadaha dalka si dadka soomaaliyeed u ogaadaan in ay dal leeyihiin,waxeyna tani jawaab u noqon laheyd markii dadka soomaalida ah ay dawlada kenya garoomada kusoo ururineysey isla markaana ay soo tarxiileysey iyagoo haysta sharciga dalkaasi kenya mana jirto jawaab kasoo baxdey safaarada ay kenya ku leedahey muqdisho iyo dawlada kenyaba oo la xiriirta xukunka ay maxkamada gobolka banaadir kuridey ajaaniibta kenyaanka ah.