Gudoomiyaha degmada warsheekh oo bilaabey in uu wadooyin cusub dhiso fiiri sawirada.

0
626

Tan iyo Markii si Rasmi uu Xilka ula Wareegay Gornel Axmed Xuseen Axmed Shidka Guddoomiyaha Degmada Warshiiq ayaa Degmadaasi waxaa ka muuqanayey hormaro kala duwan oo arimaha Bulshada ah Gudoomiyaha ayaa waday dadaallo uu dib ugu soo celinaayey bilicdii degmaadsi

Axmed Xuseen Axmed Shiidka Gudoomiyaha Degmada  Warshiiq ee G/Sh dhexe ayaa Maanta Dhagax Dhiga Wado isku Xirta Deeagaana Ceel Macaan iyo Degmada Warshiiq ee Gobolkaasi Munaasabada dhagax dhigga ayaa waxaa ku sugnaa Gudomiyaha Gobolka sh dhexe Mus”uuliyiin kale oo tirsan Maamulkaasi.

Axmed Xuseen Axmed Shiidka  Gudoomiyaha Degmada Warshiiq ayaa waxaa sheegay in Mushruucani ay ka shaqeyeen Maamulka Degmada Warshiiq islamarkaan ay tahay Waddo Muhiim u ah isku Socodka Dadka iyo Gaadiidka Gobolkaasi Guddoomiyaha ayaa Carabka Ku dhuftay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ka soo Jeeda Warshiiq Looga Baahan Yahay in ay Ka Qeyb Galaan Mashaariicda Lagu hormariyo Degmaasi.

Guddoomiyaha Degmada Warshiiq ayaa sheegay in Maamulkiisa ay Wadaan Dadaallo Lagu hormarinayo Degmaadsi.

Tan iyo Markii Degmadaasi loo Magacaabay Axmed Xuseen Axmed Shiidka waxaa Degmada Warshiiq si weyn looga Dareemayey hormaro Kala Duwan oo Arimaha Bulshada ah shacabka ayaa Amaanay howsha culus uu hayo Gudoomiyaha Degmada Warshiiq oo Degmadaasi u soo hayey Guullo Wax ku ool ah

Daawo Sawirada Dhagax Dhigga

wARSHIIQ 1 wARSHIIQ 2 wARSHIIQ 3