Waxa loogu yeerey madasha wada tashiga higsiga 2016ka ayaa laga dhex magacaabey gudi la yiri waxey kasoo talo bixinayaan sida ugu haboon ee loogu gudbi karo maamul dhexe oo dalka soomaaliya yeesho iyo sidii loo dooran lahaa xubnaha baarlamaanka ee metelaya shacabka soomaaliyeed.
saleynayo kuwii jirey markii dawladii dhexe
Xubnaha gudiga ayaa talo kusoo jeediyeen in la qaato qodobada soo socda midkood waxeyna kala yihiin;
1 In la badiyo odayaashi barlamaanka waqtigan jira oo ka koobnaa 135ta xubnood ayna soo xulaan xubno beel ku saleysn oo barlamaanka gala.
2 In degmo kasta soo doorato 3 xubnood oo barlamaanka u metesha iyadoo degmooyinka lagu saleynayo kuwii jirey markii dawladii dhexe ee soomaaliya burburtey 1991kii.
3 In maamul goboleedyadu soo xulaan xubnaha barlamaanka soo gelaya ayna odayaasha la tashadaan marka beeluhu soo xulanayaan xubnahooda barlamaanka u metelaya.
4 Iyo in nidaamka axsaabta la hir geliyo inta aan la gaarin 2016 dalkana sidaas doorasho uga dhacdo.
Sida xaqiiqda ah dhamaan qodobadan waa kuwo lasoo arkey oo salka ku haya qabiil iyo qabyaalad marka laga reebo qodobka ugu danbeeye ee tilmaamaya nidaamka xisbiyada badan oo qof walba codkiisa bixinayo umana socdaan urur diimeedka DAMULJADIID oo dalka awoodiisa hada heysta waxeyna ku meereysanayaan qabyaalada iyo qori ku faanka ay is leeyihiin waad ku dhuuman kartaan waadna kusoo bixi kartaan iyagoo shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba hadba shaati iyo waji cusub ula soo baxaya,waxeyna dalka ka abuureen wax ay ugu yeereen maamul goboleedyo gacan ku rimis ah oo ay iyagu hugaamiyaan kuwa hada qodobadan kala dooranayaana waa maamul goboleedyadaas ay iyagu soo dhoodhoobeen.





