
Ganacsatada ku dhaqan degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa cabasho ka ah lacag been abuur ah oo dhawaan lagu arkay suuqyada degmadaasi.
Waxa ay sheegeen in lacagtani ay sababtay qiimo koror ku yimaadey raashiinka iyo sidoo kale isbedel dhanka sarifka lacagaha qalaad ah.
Ganacsatadaan qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagtani ay kasoo gashay dhanka deegaanada maamulka Puntland waa sida ay hadalka u dhigeene.
“Lacagtaan dhanka Puntland ayeey naga soo gashay, iyaga ayaa sameystay oo Dekad ayeey leeyihiin, waxayna u arkaan inay socodsiin karaan, midda kale Cadaado hadda kahor ayaa lacag sidaasi ah lagu sameeyay, laakiinse ma aanay socon” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaan.
Lacagtaan been abuurka ah ee lagu arkay suuqyada degmada Cadaado ayaa kor ahaan uga eg lacagta kunka shilin Soomaaliga ah, hase ahaatee markii la taabto waa warqadda loo yaqaan A-4 (Ee Foor)
Waxa hadda laga baqayo ayaa ah in lacagtaan ay suuqyada degmada Cadaado ku keento isbedal xooggan oo dhanka qiimaha raashiinka iyo bagaashka ah, sidii dhacday sanadkii 2013-kii





