Dagaal maanta ka dhacey duleedka Kismaayo oo ku dhexmarey maamulka juba iyo dagaalyahanada alshabaab.

0
505

dagaal-495x262-150x150Dagaal wata madaafiic iyo duqeymo ayaa maanata ka dhacey duleedka kismaayo dagaalkan ayaa waxa uu dhex marey ciidamada kenya oo garabsiinaya kuwa maamulka juba iyo dagaal yahanada xarakada al shabaab waxaana lagu soo waramayaa in dagaalku ku bilawdey duqeymo iyo madaafiiic xaga dhulka ah,iyagoo guulo ka kala sheegtey labada dhinac ee dagaalku dhexmarey.

 

Af hayeen u hadley maamulka juba ayaa sheegey in aysan wax khasaaro ah soo gaarin dhinacooda,halka dagaal yahanada al shabaabna ay guulo ka sheegteen dagaalka ma jiraan ilo ka madax banaan oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen isgaarsiinta oo goneyd awgeed.

 

Dagaalada iyo weerarada ay qaadayaan beryahan dagaalyahanada xarakada al shabaab ayaa ah kuwo sii kordhaya kana dhacaya meelo badan oo dalka soomaaliya ah,iyadoo sida muuqata ay u taag la yihiin ciidamada huwanta ah ee amisom oo taageero caalami ah ka helaya wadamada yurub iyo mareykanka.