Magaalada Garoowe waxaa ku soo xirmay shir labadii maalmood ee u dambeeyey Garoowe uga socday dowladda Federaalka iyo maamulada Xubanaha ka ah. Shirkan oo ah wadatashi ayaa wejigiisi kowaad ka dhacay Muqdisho bishii Feberaayo 2015.
Shirkan ayaa bilowday 30-kii bishii Abril wuxuuna ku ekaa shalay oo 1-da Maajo ,qodobo kala duwan oo shirka ajandayaashiisa ka mid ayaa ugu weynaa sidii looga hadlilahaa arrimaha Dastuurka, Maamul u samaynta gobolada dhexe iyo kuwa harasan, Dhisamaha ciidanka Qaranka, Qayb siga deeqa dibada, la soo bixida khayraadka dalka iyo arrimaha barnaamijka Hiigsiga Cusub ee 2016 si dalka doorasho uga dhacdo.
Dood iyo falanqayn u dhaxaysay guddiyadii metalyey dowladda Federaalka , Maamulada Puntland, Jubba iyo Konfur Galbeed ayaa ugu dambayn war Murtiyeed la isku raacsan yahay laga soo saaray kaas oo looga hadlay natiijadii wajiga labaad ee shirkan waxaa inta badan qodoba shirka looga hadlay ku caddaa in meel la isla dhigay.
Qodobada ugu muhiimsan ee War-murtiyeedka ayaa ka mid ah fulinta iyo hirgelinta heshiisyadii horay loowada galay waxaana lagu heshiiyey in guddi loo saaro si uu dabaggal iyo fulin ugu sameeyo qodobadii shirkan iyo kii hore.
Arinta Dastuurka oo Puntland meel adag ka taagnayd ayaa la isku raacay in guddiga dib u eegista Dastuurka la dhamaystiro xubnaha ka dhiman ee maamulada laga soo xulayo si uu shaqadiisa uguto dibna u eego qodobada lagu muran san yahay.
Barnaamijka Hiigsiga 2016 ayaa la sheegay in dowladdaha xubnaha ka ah federaalka iyo dowladda ay kawada shaqeeyaan sidii dalka u gaari lahaa doorasho xor ah sidoo kalan dhismaha maamulada ayaa la isku raacay in inta dhiman loo sameeyo maamulo KMG ah si ay uga mid noqdaan dowladda feeraalka.
Dhismaha maamulka Gobolada dhexe ayaa la sheegay in uu u soconayo sidii loogu tala galay oo ah Galgaduud iyo qayb ka mid ah Mudug waxaana lagu cadeeyey war Murtiyeedka in aysan ka qayb galin karin shirarka maamulada loogu samaynayo goboladda dhexe Ergo ka soo jeedo dhanka Puntland oo ku socota magaca Mudug.
la dagaalanka argagixisada, sugida Amniga, dhismaha ciidan qaran Qaybsiga deeqa iyo la soo bixida khayraadka ayaa warmurtiyeedka ayana lagu sheegay in go’aamo mideysan laga gaaray.
Dhanka Kale Wafdi uu hogaaminayo Dr Cabdiwali Gaas ayaa ka duulay Garoonka magaalada Garoowe iyagoo u safray dalka Talyaaniga oo casuumaad uu ka helay madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa Waxaana garoonka ku sii sagootiyey madaxweyne ku xigeenka Puntland, Gudoomiyaha Baarlamaanka, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
Wasaarada Arrimaha dibada dalka Talyaaniga ayaa madaxweyne Gaas iyo Wafdigiisa ku casuntey in ay ka wada hadlaan arrimaha hor marinta ee Puntland
Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in hormarka iyo amniga dalka ka jira dhalinayso in dowladdaha calamka ay u soo jeesanayaan sidii ay dalka mashaariic uga fulin lahaayeen,





