Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa xalay hawlgal gaar ah ka fuliyay guri ku yaala Degmada Dharkiinley, ka gadaal markii lagu tuhmay in ay ku sugan yihiin xubno looga shakiyay Shabaabnimo.
Dhismaha hawlgalka laga sameeyay, ayaa waxa uu ku dhow yahay Suuq Yaraha Dharkiinley, waxaana laga helay sida la sheegay saddex bistoolado, hal qori iyo walxaha qarxa ah, taa oo keentay in xabsiga loo taxaabo afar nin iyo hal ruux oo dumar ah, oo ku wada sugnaa hoygaasi.
Xoogaga Nabad Suggida oo watay saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Cabdi Billaha, ayaa isku gadaamay dhismahaasi, ka hor intii aynaan gudaha u gelin.
Nabad Suggida, ayaa horey u kaxeysatay gaari SURF ahaa oo yaalay dhismaha ay dadka ka soo xir xireen, waxayna ula dhaqaaqeen dhinaca Xarunta Godka Jilacow, oo ku taal Degmada Boondheere ee Waqooyiga Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabadda Suggida Gobolka Banaadir, ayaa Dhacdo.com u sheegay in dadka la soo qab qabtay lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay horey u helayn macluumaadka la xiriira.
Hawlgalkaan, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli gelinkii dambe ee shalay Degmada Dharkiinley lagu dilay Sarkaal ka tirsan Dowladda Somaliya, iyadoona lala dilay wiil uu dhalay.
Shabaabka, ayaa toddobaadkaan xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, waxayna ku dileen in ka badan 10 ruux, oo rayid ay ku jiraan.




