Taliska ciidanka Xarakada Shabaab ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka muslimiintu ka fuliyeen gobollada dalka Soomaaliya.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa shir Jaraa’id ku sheegay in ciidankoodu gacanta ku dhigeen gaari maandooriyaha khaadka usiday ciidama Dowlada Federaalka iyo weerar dhabagal ahaa oo ka dhacay duleedka Baraawe ee sh/hoose.
Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay dagaallo ka dhacay Galguduud,Bay Jubbada Hoose iyo SarkaalKa Tirsanaa Ciidanka Dowlada Oo Lagu Magacaabo Col.Daahir Barre Iyo Wiilkiisa Muqdisho Oo Xoogag Al-shabaab Ka Tirsan Ay Ku dileen Magaaladda Muqdisho.




