Kolonyo Ciidamo Uu Horkacayo Gen.Goobaale Oo Weerar Qaraxyo Ah Lagula Eegtay Inta U DHaxeyso Marka Iyo Baraawe.

0
509

bileCiidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa ciidamo ka tirsan Ururka Al-shabaab waxay jidka ugu galeen inta u dhaxay magaalooyinka Marka iyo Baraawe,halkaa oo dagaal saacad socday ku dhexmaray labada dhinac. Dagaalka ayaa ku bilowdey qarax miino oo dhulka lagu aasey kaas oo la kacay mid ka mid ah gawaarida ciidanka dowladda.

Wararka aynu helayno ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowladda uu la socdey taliyaha Guutada Saddexaad Maxamed Jimcaale Goobaanle kaas oo oo gaarigiisa Shabaabku la beegsadeen qarax miino oo dhulka ku aasnayd xiliga uu dagaalka socday.

Wararku waxay sheegayaan in Goobaanle ka badbaadey miinada dhulka loogu aasey, laakiin dhaawac uu soo gaarey qaar ka mid ah askartiisi.

Ururka Al-shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyey xoojiyey dagaalada, weerarada qarax iyo dilalka qorshaysan ay ku filinayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada iyo Saraakiisha dowladda.