Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Iyo Wiilkiisa Oo Maanta Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

0
503

bastoolad-dilSarkaalkaani Ka Tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Iyo Wiilkiisa Ayaa La Sheegay In dablay hubaysan ay goordhow ku dileen magaalada Muqdisho Iyadoona Dilka Ka Dib Goobta Ay Ka Baxsadeen Kooxihii Falkaasi Geestay.

Corneel Daahir barre maxamed oo ahaa sarkaal caan ah ayaa lagu dilay isaga iyo wiilkiisa xaafadda Saybiyaano ee Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay goobta dilka uu ka dhacay in ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya.

lama xaqiijin karo cida ka dambeyso dilka labadaani ruux balse waxa ay qeyb ka tahay falalka amni daro ee ka jiro magaalada muqdisho kaa oo lagu bartilmaameedsanayo masuuliyiinta dowlada iyo shaqsiyaad kale.