Jawaari Oo Ku Soo Biiray Khilaafka Ka Dhextaagan Madaxda Sare Ee Dalka.

0
476

jahMax’ed Sheikh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay khilaafka kusoo biiray,Waxaana Wararka ay sheegayaan in Jawaari uu diidanyahay tallaabada Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku dhisayo maamulka sedaxda gobol ee Baydhabo kaasi oo haddii Shariif Xasan Madaxweyne ka noqdo ay halis gelin karto kursigiisa.

Mr. Jawaari Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa usii janjeersanaya dhanka R/wasaaraha inkasta oo uu ka cabsi qabo in haddii Cabdi Wali Sheekh daaqadda ka baxo uu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Xasan Sheikh oo loo badinayo in uu xilka sii heyn doono illaa 2016-ka.

Dowladaha sheedda ka maamula Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka ka dhax jira hoggaanka DF-ka waxayna dhinacyada is haya ku cadaadinayaan in ay wadashaqeeyaan Madaxda Haatan Dalka Maamusha.