Xisbiyada Siyaasada Ee Ka Jira Dalka Soomaaliya Oo Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Muqdisho (DAAWO SAWIRADA).

0
634

31Kulan si heer sare ah loo soo agaasimey islmarkaana uu soo qaban qaabiyey Xisbiga Dadka ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho, waxaana Kulankaan ka soo qayb galey Xisbiyada Siyaasadda ee Dalka ka jira ,Aqoonyahano, Waxgarad , Haween iyo Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudooomiye ku xigeenka Xisbiga Dadka Cabdiftaax Xaaji Cabdille Yuusuf oo sheegey in mudadii Xisbiga uu jirey uu ku talaabsadey Horumar la taaban karo ee Dhinaca Bulshada waxaa uu sii raaciyey “ Xisbiga Dadka waxaa u dhashey sidi uu Bulshada Soomaaliyeed uga saari lahaa Dhibaatooyinka haysata ee Dhinaca Nabadgalyada, Dhaqaalaha iyo Siyaasada”

Mudane Cabdifitaax waxaa uu sheegey in Xisbiga uu u diyaargaroobey Doorashada dalka ka dhacayso ee Sannadka 2016 , islmarkaana waqti aan sidaa u dheereyn waxaa uu sheegey guud ahaan dalka uu ka bilaabi doonaan Ololaha Doorashada si Bulshada Soomaaliyeed ay u helaan Xisbi ka saari karo Dhibaatooyinka Ragaaadiyey.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoqoraadiyada Cabdulaahi Shiikh Xasan oo ugu horeyntii u Mahadceliyey intii soo qaba qaabisey Kulankaan gaar ahaan Xisbiga Dadka, sidoo kale waxaa uu sheegey in loo baahan yahay in Xisbiyada dalka ka jira ay yeeshaan Kulamo joogto ah si ay isku dhaafsadaan Xaaladaha Siyaasadeed ee Dalka ka jira mar uu ka hadl;ey Khilaafka u dhaxeeye Madaxda sare ee Dalka waxa uu yiri” Khilaafkaas waxaa lagu dhameyn karaa iyadoo la raaco dastuurka Dalka hadii ay taasi dhici weyso waxaa qaba in Baarlamaanka uu soo kala dhexgalo”.

Zakeriye Maxamuud Xaaji oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Ummada ayaa isna u Mahadceliyey intii soo qab qaabisey Kulankaan gaar ahaan Xisbiga Dadka, mar u ka hadlayey Xaalada Dalka waxaa uu yiri “ Dhibaatada dalka ka jirta waxaa u sabab ah Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya kuwaa uu sheegey in ay doonayaan in dalka kala googooyaan mana muuqato madax Soomaaliyeed oo ka hadlaya Dhibaatooyinkaa marka waxaa soo jeedinayaa in Shacabka ay ogaadaan Cadowgooda “.

Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Gudoomiye ku Xisbiga Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Cali Timo Jilic) Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Nabada Cadaaladda Nuur Bocor Jeele, Gudoomiyaha Xisbiga Tayo ee Gobolka Banaadir Maxamed Cali Kaba Qori waxayna dhamaantood Dowlada Federaalka ka Codsadey in la soo dedejiyo Sharciga Axsaabta maadaama uu aad u yar yahay Waqtiga Doorashad .

Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Saciid Ciise Maxamuud oo dhawaan Dalka ku soo laabtey waxaa uu yiri “Xisbi keliya Doorasho kuma Guuleysan karo marka waxaan soo jeedin lahaa in Xisbiyada dalka ka jira ay Sameystaan Isbahaysi” waxaa uu sii raaciyey “ Doorasho wadankaa kama dhaceyso ilaa Bulshada Soomaaliyeed ay u Codeeyaan Dastuurka Dalka sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa Bulshada Soomaaliyeed in ay la Xisaabtamaan Madaxdooda“

Prof Saciid Ciise Maxamuud “Doorasho Wadankaa kama dhaceyso ilaa Bulshada Soomaaliyeed ay u Codeeyaan Dastuurka Dalka
”Zakeriye Maxamuud Xaaji “Dhibaatada Dalka ka jirta waxaa u sabab ah Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya
”Cabdulaahi Shiikh Xasan” Khilaafka Madaxda Dowlada waxaa lagu dhameyn karaa iyadoo la raaco Dastuurka Dalka”245678