“Prof. Jawaari” Xildhibaanadu Fursad Ayey Siinayaan In Wada Hadal Lagu Xaliyo Khilaafka Jira.

0
524

jahShir guddoonka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshey Xildhibaanada kala argtida duwan qaddiyadda Mooshinka xukuumadda laga keeney ee Villa Somalia laga soo riixey, war ka soo baxay xafiiska Jawaari ayaa lagu sheegey in Xildhibaanadu oggolaadeen in la xaliyo khilaafka jira, si toos ah uma sheegin in laga noqdey Mooshinkii ay xildhibaanada taageersan fikirka Madaxweynaha ay soo gudbiyeen hoos ka akhri warka laga soo direy Xafiiska Jawaari.

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo bilaabo xalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 07-November,maanta ilaa caawa fiidkii waxa uu kulammo wadatashi ah oo la xiriiray xasilinta siyaasadda dalka si kala gaar gaar ah ula qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo kulammadii xalay ay bilow iyo gogol xaar u ahaayeen kulammadii ballaarnaa ee iyagu kala qabsoomay duhurnimadii maanta iyo fiidnimadii hore ee caawa waxaana kulammadaasi uu Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya lakala qaatay Xildhibaanno kala aragti duwan ayadoo kulamadaasi oo uu shir guddoominayey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay goobjoog ka ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii kulammadaasi ay soo gebageboobeen kadib la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in maanta Guddoonka uu la kulmay Xildhibaannada dhowaan usoo gudbiyey mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda islamarkaana ay ka guddoon ahaan ka codsadeen in fursad la siiyo dadaallo lagu dhex dhexaadinayo madaxda DFS taasina ay garawsadeen Xildhibaannada, sidoo kalena gelinkii dambe ee maanta uu la kulmay Xildhibaannada kasoo horjeeda in mooshin ka dhashay kala aragti duwanaanshaha madaxda ayaguna ay codsigii hore u jeediyeen islamarkaana ay ogolaadeen.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u ogolaadeen codsiga Guddoonka waxaana uu markale muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan iyo sidoo kale dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ka codsaday iney ka qeyb qaataan dadaalladan shex dhexaadinta ah islamarkaana uu rajo weyn ka qabo in kala aragti duwanaanshaha jira xal laga gaari doono insha Allah.