Xarakada Al-Shabaab Oo Ku Faantay In 60 Askari Ay Ku Dileen KUDHAA.

0
509

shabKooxda Al-Shabaab ee Soomaliya ayaa sheegtay in ay dhishay 60 askeri oo daacad u ah dowladda Soomaliya, kaddib weerar ay kooxda saaka ku qaaday Jasiirada Kudhaa.

Waxay sidoo kale sheegtay kooxdu in ay la wareegtay magaalada, oo mid muhiim ah.

Maamulka Juba ee ku meel gaarka ah weli wax war ah kama soo saarin dagaalkan oo dhacay maanta oo Sabti ah.

Kudhaa oo koonfur ka xigta Magaalada Kismaayo ayaa bishii la soo dhaafay laga saaray xooggaga Al Shabaab, halkaasi oo ay horay ugu isticmaali jireen inay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda.

Ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliyaa ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay Al Shabaab kala wareegeen dhowr deegaan oo muhiim ah.