Dadka ku dhaqan Bartamaha Magaalada Muqdisho, ayaa maqlay daryan is xig xigay oo sida la sheegay ka dhashay madaafiic iyo qaraxyo loo adeegsaday bambooyinka nooca gacanta laga tuuro.
Tiro Madaafiic ku soo dhacday Degmada Xamar Jajab, ayaa waxaa sida la xaqiijiyay ku dhaawacantay 5 ruux, oo ay ku jiraan caruur iyo haween, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.
Axmed Cismaan Dhoore,Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab ayaa waxa uu sheegay in 5 ruux oo rayid ah ay caawa Degmadiisa ku dhaawacantay, iyadoo dhinaca kalana uu sheegay inay hawlgal soconayaan.
Sidoo Kale Gudoomiyaha oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa ku waramaaya in la baaraayo halka madaafiicda laga soo tuuray, si gacanta loogu soo dhigo kuwii madaafiicdaasi geystay.
Tiradaani Madaafiicda Ah, ayaa waxaa la hadalhayaa in loo waday dhinaca Dekeda Magaalada Muqdisho, oo ay fariisimo ku lee yihiin Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamada Dowladda Somaliya.
Waxaa Dhanka kale Dadweynaha Ayaa Waxa Ay Arkayeen gaari NOAH oo bambooyin laga tuuraayo, waxaana lagu weeraray Ciidamada Nabad Suggida, ee fariisimaha ku leh inta u dhaxeyso Isgoyska Xamar Jajab iyo Imperatoria.
Habeenkii Khamiista, ayay ahayd markii madaafiic lagu garaacay qaybo ka mid ah Degmada Wadajir, xilli madaafiicda loo riday Xarunta Amisom ee Xalane, oo ku taal Garoonka Aadan Cadde.
Madaafiicdani Ayaa waxay ku soo aadayaan, xilli Dowladda Somaliya ay walaac ka qabto weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab, iyagoo markaasi ugu aargudaaya dilkii Ina Godane.




