Beesha Uu Ka Soo Jeedo Axmed Xassan Cadow Axmed Daaci Ee Wacbuudhan Abgaal ayaa Maanta Waxa La Kulmeen Madaxweyne Xasan Sh.Max’uud Iyagoo Ka Wada Hadlay Xaraga Axmed Daaci Waxaana Kulankaasi Ka Qeyb Galay hogaamiyeyaasha Siyaasadda,dhaqaalaha,Ganacsiga Beeshaas Iyagoo Ugu Dambeytii Ay Madaxweynaha Kaga Soo Tageen Waji Gabax
Odayaasha Beesha Wacbuudhan Abgaal ayaa Waxa Ay Cadeeyeen In Madaxweynaha Uu Sheegay In Uu Isaga U Xeranyahay Axmed Daaci Islamarkaana Waqtigaan Uusan Soo Deyneyn Ilaa Uu Isaga Qorshaha Uu ka Leeyahay Ka Dhamesto Waxayna Beeshaa Wacbuudhan Ay Carabka Ku Dhufteen In Ay Arintaasi Ka Dhalan Karto Xaalad Aan Waqtigaani La Saadaalin Karin
Sidoo Kale Waxa Ay Odayaasha Beesha Wacbuudhan Sheegen In Fakirka Uu Xasan Sheekh Maanta Ku Hadlay Uusan Eheyn Mid Isaga Ka Timid Islamarkaana Ay Sheegen Iney Jirto Dad Ka Gadaal Hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud Wexyna Odayaashaasi Qaarkood Ay Carabka Ku Dhufteen In Wasiirka Cadaaladda Xukumadda Somalia Faarax Cabduqadir Xog Ku Heleen In Uu Ku dhaartay in Maxkamad Milliteri la saari doono Axmed Daaci si loogu xukumo toogasho.
Si kastaba ha ahaatee,waxaa laga dhursugayaa Hanjabaada Beelweynta Wacbuudhan Abgaal Oo Uu Ka Dhashay Siyaasiga Axmed Daaci iyo Go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud Oo Ay Sheegeen In Gadaal Uu Ka Soo Riixayo Faarax Sheekh C/Qaadir Tan guuleeysan Doonto.




