-Wasiirka Difaaca ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda aysan ahayn Ciidan Qaran, oo ay dhamaan u shaqeeyaan Qabiilkooda
Isagoo ka hadlay Baarlamaanka, ayaa Xaamud waxa uu tilmaamay in Ciidamada jooga Gobolka kasta oo dalka ka tirsan ay yihiin Ciidamo u adeega Danaha Gobolkooda.
“Ciidankii loo tababaray Gobolka Bakool waa Reer Bakool, kuwaii loo tababaray Gobola Baay waa Reer Baay, sidoo kale kuwii loo tababaray Galgaduud waa Reer Galgaduud, ma jirto Ciidan inta uu ka baxo Gobolka uu jooga ee tagi kara Gobolka kale, taasina waa Caqabda haysata dalka,”ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu sheegay in Gudoomiye kasta, ha ahaado mid Degmo ama Gobolka waxa uu leeyahay Ciidamo isaga u gaar ah, oo markaasi ku Heeb/Qabiil ah waxaana Ficilkaasi keenay in Ciidamadii ku jiray Aaga hore ee Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab ay isaga soo baxaan oo Gobolkooda aadaan.
“Wasaaradda Difaaca kuma amri karto Ciidamo jooga Gobolka ay kasoo jeedaan inay kasoo baxaan oo Gobol kale ka howlaglaan, iaydoo Wasaaradda ay bixiso Tababarkooda & Mushaarkooda intaba,”ayuu hadlkiisa raaciyay Xaamud.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa waxa uu soo hadal qaaday in dhowaan Soomaaliya ay Heshiis dhanka Ciidanka ah la gashay Dowladda Taliyaaniga, kaasi oo ku saabsan Tababar siinta Ciidanka & Qalabayntooda.
“Dhalinyarada jooga dalka Taliyaaniga ee bartay Luuqada dalkaasi ayaa la siinayaa Tababar Ciidan halka kuwa inta jooga aan ku kalsoonaan weynay in la geeyo dalkaasi, sababto ah waxaa ka baqnay in aysan dib ugu soo laaban dalkooda,”ayuu yiri Xaamud.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ayaa ka codsaday Baarlamaanka in ay kala shaqeeyaan sidii looga dhigi lahaa Ciidanka kuwa u adeega Qaranka Soomaaliyeed.




