GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO GANAAXAY XILDHIBAANO, HESHIISKA GAASHAANDHIGA TALYAANIGA IYO SOOMAALIYANA OO LAGA HADLAY

0
490

Fadhigii Baarlamaanka ee maanta lagu madalsanaa in lagu ansixiyo heshiishka dhanka Gaashaandhiga ee Dowladaha Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa dib udhac ku yimid, kadib markii Xildhibaanada ay soo jeediyeen, in guddiga difaaca Baarlamaanka lagala tashto arintan.

Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kulanka, ayaa waxa ay sheegeen inay haboon tahay in marka hore Guddiga Gaashaandhiga Baarlamaanka lagala soo tashto kahor inta aan la ansixin, Xildhibaanada Baarlamaankana ay talo ku yeeshaan Heshiiska.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka oo fadhiga shir Guddoominaye, ayaa sheegay in maalinta axada laga rabo Guddiga difaaca Baarlamaanka inay warbixin dhameystiran kasoo siiyaan Xildhibaanada heshiiska Dhanka Milateriga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay, Xildhibaano ka maqnaa kulamadii Baarlamaanka ay yeesheen Bilihii lasoo dhaafay, waxaana uu ganaaxay Xildhibaano kor udhaafaya tiradooda 15-Xildhibaan oo fadhiyada Baarlamaanka ka maqnaa.

Guddoomiyaha ayaa digniin ujeediyay Xildhibaanada uusan ganaaxa ku ridin, isaga oo uga digay inay soo xaadiraan fadhiyada Baarlamaanka oo ah shaqo waajib qaran ka saaran.

Waa Markii ugu horeysay oo Guddoonka Baarlamaanka uu ganaaxo Xildhibaano ka maqnaa fadhiyada Baarlamaanka, xilli dhwor mar digniin loo jeediyay.20388