Al Shabaab iyo Xoolo dhaqato ku Dagaalamay Duleedka Buulo-Burde

0
516

wararka laga helayo dagmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in deegan Duleedka ka ah degmadaasi uu Dagaal xoogan ku dhexmaray dad xoolo dhaqata ah iyo dagaal yahanada Al-shabaab

Degaakan oo lagu magacaabo Jameeco Mubaarak islama markaana 30 km dhinaca bari uga beegan dagmada Buulaburde ayaa dagaalka maanta ka dhacay waxa sababay kadib marki Al-shaab ay dhaqaalo aad u faro daban ay weydiisteen dadka xoolo dhaqatada igadoona marki ay ka dhego adeegeen wararku ay sheegayaan in dagaal uu dhexmarary

Goob joogayaal ayaa shabeele u xaqiijijay in dagaal kaasi ay ku geeriyoodeen labo ruux oo dhinacyadii dagaalka uu dhex maray ka mid ah

intaa kadib ayaa Idaacadda Shebelle waxa ay la xariirtay Abaanduulaha ciidamada xooga dalka ee Gobolka Hhiiran kornel Cisman Cabdi Muumin wuxuuna shabeele u sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay

Xoogaga Al-shaaba iyo dadka deeganka wuxuuna intaa ku daray in qasaaro xoogan lagusoo gaarsiisay dagaalkaas xarakada Al-shabaab

Sikastaba maahan markii ugu horeesay uu Dagaal ceenkan oo kale ah uu ku dhexmaro Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab iyo Dadka Degaanka Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.download (3)