Taliska hay’ada Nabad Sugida Gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay maxamed Qaasim Axmed oo ahaa wariye ka tirsanaan jiray Idaacada Afka ASl-Shabaab ku Hadashay oo xiligaasi ku taalay Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxa uu sheegay in uu ka Shaqeynaayay inta u dhaxeysay 2009-kii ilaa 2010-kii.
Waxa uu sidoo kale Sheegay in uu usoo Wareegsaday Magaalada Muqdisho oo uu ku noolaa Mudooyinkii dambe.
maxamed Qaasim ayaa qirtay in asaga iyo Seddex kale oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab in ay ka dambeeyeen dilaalkii loo geystay labo Xildhibaan oo ka tirsana Barlamaanka soomaaliya oo lagu kala dilay Degmoyinka Xamar Weyne iyo Dharkeynleey.
Waxa uuna Sheegay in Arrinkaasi ay ku Amreen Masuuliyiin ka tirsan Al-Shabaab si loo Fashiliyo ama loo Carqaladeeyo Shirkii Amniga looga hadlaayay oo Xilligaasi ka socday Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn Maxamed Qaasim Axmed ayaa qiray in dilaalkii ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho ay u Fududeen jireen Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dhawaan ayay hayad markii Taliska Nabad Sugida ay soo bandhigeen dhalinyaro ka dambeysay Dil Xaafada Suuqa Xoolaha loogu geystay Ardayad Qalan jibisay Jaamacada Soomaaliya oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaallo Magaalada Muqdisho. 





