12 Askari oo ka tirsan Booliska Kenya oo lagu dilay Duuleedka Mandheera // Faah-Faahin

0
470

Kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay galab Weerar ku qaaday Duuleedka magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya, waxeyna halkaasi ku dileen 12 Askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya.
Teaser Image 12 Askari oo ka tirsan Booliska Kenya oo lagu dilay Duuleedka Mandheera // Faah-Faahin

Koox hubeysan ayaa Labo iyo Tobon Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya ku dilay Duuleedka Magaalada Mandheera.

Saraakiil u hadlay Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in illaa iyo 12 Askarilagu dilay Weerarkaasi, kadib markii Wadada loo galay Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan Booliska oo marayay inta u dhaxaysa degmada Mandheera iyo degaanka Mua.

Noah Mwivanda, Taliyaha Booliska degmada Mandheera oo Xalay Warbaahinta u waramay ayaa sheegay in Weerarka ay fuliyeen Niman ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada KPR ay ku dhaawacmeen Weerarka.

Meydadka askarta la dilay ayuu sheegay Sargaalkaan inay Kooxda Al-Shabaab “qaateen” lana aadeen dhanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Al-Shabab ay qaateen illaa Sadex gaari oo nooca qaadka qaada ah oo marayay tuuladda la yiraahdo Cumar Jilicow oo 15 km u jirta magaalada Mandheera.

Ciidanka la dilay ayaa ku raadjoogay Saddex Gaari oo qaad siday oo saaka ay dhaceen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, siduu sheegay Taliyaha Booliska degmada Mandheera.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isla markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay ciidanka iyo afduubka gaadiidka siday qaadka.
11638-620x330