Qaramada Midoobay ayaa codsatay 60 milyan oo dollar si loo caawiyo dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bani’aadmnimo eek u sugan gobollada dalka.
Isku duwaha dhanka Beni’aadinimada ee Qaramada Midoobay Philip Lazzarani oo isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in caalamadaha ka jira Soomaaliya ay muujinayaan in abaar la mid ah tii 2011-kii ay ka dhici doonto Soomaaliya haddii aan la helin gargaar deg deg ah.
“Haddii 50,000 carruur ah oo aad u liita aan la caawin, waxa ay qarka u saaran yihiin dhimasho, ma sugi karno xaaladahan inta looga qayla dhaamiyo oo markaas loo helo jawaab dhaqaale”, sidaas waxaa yiri isku duwaha dhanka Beni’aadinimada ee Qaramada Midoobay Philip Lazzarani
Isku duwaha ayaa intaa ku daray in haddii aan degdeg looga jawaabin arrintaan ay suurta gal tahay in dad badani ay dhintaan ka hor jawaabta caalamka sida dhacday 2011-kii oo ay macluul u dhinteen in ka badan 250,000 oo qof, kuwaas oo bar ka mid ahi ay dhinteen ka hor inta aanan la aqoonsan in macluuli ay jirto.
Mr. Lazzarini ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay wali hortaagan yihiin in gargaar la gaarsiiyo dad badan oo ku sugan goobaha ay joogaan ayagoo jaray waddooyinka qaar taas oo halis kale ku noqon karta dadaallada caalamka ee lagu caawinayo dadkaasi.




