Qaban qaabo u muuqata in lagu dhawaaqayo golaha xukuumada cusub oo ka socota madaxtooyada villa soomaaliya.

0
487

Iyadoo ay jirtey muran iyo isfahamwaa u dhaxeeya m/weyne Xasan Sheekh iyo R/wasaare C/weli Shekh Axmed kaas oo la xiriira sida ay noqoneyso xukuumada cusub ee la soo dhisi doono ayaa waxaa socda qaban qaabo u muuqata in caawa xiliyadan lagu dhawaaqo golaha xukuumada soomaaliya.

Sida uu sheegayo wariyaheena m/tooyada Liibaan yare waxaa hada lagu soo ururayaa hoolka m/tooyada soomaaliya iyadoo ay joogaan wariyeyaal gudaha iyo dibedda ka kala socda iyo marti sharaf kaleba.

Wasiirada ku dhawaaqistooda ayaa dib u dhici karta balse waxaa la filayaa in tiradoodu noqoto labaatan iyo wax kabadan kuwaas oo laban laab la ekaan doona xukuumadii dr saacid ee barlamaanku kalsoonida kala laabtey,walaw lala kulmi karo caqab xaga barlamaanka ah hadii ay soo galaan wasiirada uu ku dheganyahey m/weyne Xasan Sheekh kuwaas oo kala ah C/kariim Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh C/qaadir oo la sheegayo in hadii la diido labadan mas’uul uusan shaqeyn kareyn m/weyne Xasan Sheekh Maxamuud.