Golaha xukuumada cusub oo lagu dhawaaqey goor dhaw.

0
493

Waxaa lagu dhawaaqey xukuumadii laga sugayey r/wasare C/weli Shekh Axmed,waxeyna ka koobantahey 25 wasiir,25 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiirudawle.

Xubnahan oo tiradoodu dhantahey 55 xubnood ayaa waxaa kamid ah labadii xubnood ee uu ku dheganaa m/weyne Xasan sheekh kuwaas oo noqdey labo wasiir 1 wasiirki hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed waxaa loo magacaabey wasiirka Amniga qaranka.
2 wasiiru dawlihii hore ee madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir waxaa loo magacaabey wasiirka garsoorka iyo dastuurka,iyadoo aan liiska oo dhameystiran berito soo gudbin doono insha allah.

Waa xukuumad ka tiro badan tii hore kana tayo yar marka la eego xubnaha ka muuqda xukuumadan mana muuqdo isbedel kusoo kordhey wasiiradii hore,waxaana loo fadhiyaa sida loo ansixiyo wasiiradan muuqaalkoodu aanu dadka badankiis qancin.