Xarakada dagaalyahanada Al-shabaab oo soo bandhigey hub iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom.

0
478

Xarakada dagaalyahanada Al-shabaab ayaa magaalada Buuloberde kusoo bandhigey hub iyo saanad ay sheegeen in ay kusoo furteen dagaal ay ku qaadeen deg. Mahadaay iyo Buurane ee gobolka Sh/dhexe.

Xarakada dagaalyahanada Al-shabaab oo saraakiil sar sare oo iyaga kamid ahi ay halkaas ka hadleen ayaa sheegey in ay joogteyn doonaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada dawlada federalka iyo kuwa Amisom oo ay u adeegsadeen ereyga cadawga.

Sheekh Fu’aad Max’d Khalaf oo kamid ah hugaamiyeyaasha xarakada Al-shabaab ayaa sheegey in hubka gaadiidka iyo saheyda kale ee laga heley dagaalada lagu qaadey Mahadaay iyo Buurane ay muujineyso awoodda ay mujaahidiintu u leeyihiin in ay meel kasta weerari karaan,isagoo ku booriyey dagaalyahanada Al-shabaab in ay beegsadaan meel kasta oo ay kusuganyihiin ciidamada shisheeye iyo kuwa ay taageeraan oo uu ula jeedo ciidamada dawlada federalka soomaaliya.