Wada hadaladii u dhaxeeyey dawlada federalka soomaaliya iyo maamulka somaliland ayaa ka furmey Stanbuul dalka turkiga iyadoo ay ku kulmeen wufuuda labada dhinac oo ay kala hugaaminayaan sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibedda maamulka S/land Yonis Biixi.
Labada dhinac ayaa isla ogolaadey in ay wada sameeyaan gudi wadajir ah oo soo diyaariya ajendaha laga wada hadlayo,iyadoo la filayo in shirku gudagalo sadexda cisho ee soo socota wada hadallo u dhaxeeya labada dawladood,waa soomaaliya iyo S/land dalka la baxey.
Wadahadaladan iyo kulankan ka furmey dalka Turkiga ayaa la filayaa in uu ka bedelnaado kuwii hore,waxeyna dawlada Turkiga oo dooneysa in horumar laga gaaro wadahadalada,cadaadis ku saareysaa labada dhinac in heshiis wax ku ool ah la gaaro.
Jawiga shirka ayaa waxa uu u muuqanayey mid soomaalida labada dhinac ku faraxsanyihiin qabsoomida shirkan iyadoo dhinaca s/land uu hugaaminayo khabiir hore uga soo shaqeeyey Qaramada midoobey Yonis Biixi oo bedeley wasiirki hore Maxamed Cabdullaahi,halka C/kariim Xuseen Guuleedna uu ku adkeysanayo m/weyne Xasan Sheekh in uu sii ahaado wasiirka arrimaha gudaha.




