Madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysey hambalyo u direy madaxweynaha cusub ee puntland C/weli Gaas iyo xildhibaanada doortey maamulka cusub ee shanta sano ee soo socota hugaamin doona maamul goboleedka puntland.
M/weyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu faraxsanaa doorashada la doortey C/weli Maxamed Cali Gaas kaas oo ay saaxiibtinimo siyaasadeed ay ka dhaxeyso waayo markii uu isagu tartanka m/weyne uu Xasan Sheekh ku jirey lana soo gaarey wareegii ugu danbeeyey ayuu C/weli ugu shubey codadkiisii madaxweynaha xiligan ee dawlada dhexe Xasan Sheekh Maxamuud,halkaasna uu ku noqdey madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya.
Waa markii ugu horeysey ee ay muuqato isusoo dhawaansho puntland iyo dawlada dhexe,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo xukuumad cusub la filayo in uu ku dhawaaqo r/wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed.




