Shirkadaha isgaarsiinta ayaa bilaabey in ay isu adeegsadaan dagaalyahanada Alshabaab oo soo saarey war sheegaya in aan la isticmaali karin fiper obtic internet badda hoosteeda mara.
Shirkadda somtel oo dhawaan ay la wareegtey shirkadda Dahab shiil ayaa heshiis la gashey shirkad caalami ah oo ka shaqeysa isgaarsiinta taas oo somtel u sahleysa khad speed fiican leh oo ka tayo badan kan hurmuud ay bixiso,halkaasna waxaa ka bilawdey tartan iyo dagaal qabaw oo leysu adeegsanayo wixii la karo.
Xarakada dagaalyahanada Alshabaab ayaa soo saarey mamnuucida isticmaalka fiper obtic internetka iyagoo shirkad kasta siiyey mudo 15 cisho ah isla markaasna tiri cidii u hugaansami weysa amarkan waxey muteysan doontaa in loo aqoonsado cid cadawga la shaqeysa oo kamid ah.
Khadka internetka oo ah awood wax soo saar ayey dadka soomaaliyeed aad iyo aad ugu hamuun qabaan,mana dhaceyso in amarkani ka hirgalo meelaha ay gacanta ku hayaan Amisom iyo dawlada federalka ah balse waa laga yaabaa in laga hirgeliyo meelaha ay dagaalyahanada Alshabaab ay maamulaan,waxeyna ka horkeeni doontaa bulshada,waayo waa wax ay dad badani aad ugu baahanyihiin,waana la arki doonaa halka ay ku danbeyso ciribta dagaalka qabow ee u dhaxeeya shirkadaha ganacsiga isgaarsiinta dalka ka hawl gasha.




