Diyaarado duqeyn ka geystey duleedka Garbahaarey ee Gobolka Geddo.

0
483

Diyaarado aan la sheegin dalka iyo dawlada ay ka socdeen ayaa weerar ku qaadey tuulooyin ku dhaw garbahaarey ee gobolka Gedo,kuwaas geystey khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal oo ah xoghaye ahlusuna waljameeca ayaa sheegey in ay ka war hayaan duqeynta ay diyaaraduhu geysteen,isagoon sheegin diyaaradahaasi cidda laheyd,dhanka kale isagoo ka jawaabayey warar soo ifbaxay oo tilmaamaya in manhajka waxbarashada dalka lagu qorey in culimada sheega in ay yihiin ahlusuna waljameeca ay lunsanyihiin,wuxuuna ka yiri in ay la dagaalami doonaan wax uu ugu yeerey Khawaarij lamid ah kuwa ay dagaalka kula jiraan.

Maahan markii ugu horeysey oo diyaarado ay duqeyn ka geystaan dalka soomaaliya gudihiisa kuwaas oo aaney jirin dawlad iyo cid la xisaabtanto,waana tacadi iyo cadaawad bulshada soomaaliyeed ku sii biireysa taas oo u muuqata in ay ku fashilmeen kuwa sheegey in ay la dagaalamayaan Al-qaacidda iyo alshabaab.