War deg deg ah oo nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacey hotel Jazeera iyadoo lagu dhuftey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa irida hore ee hotelka markii uu qaraxu dhacey ayaa loo soo yaacey halkii dhaawaca iyo dhiigu daadsanaa isla markaana waxaa markale dhacey qarax kale.
Ilaa hada waxaa nasoo gaarey in uu qaraxaas ku dhintey taliyihii saldhiga boliska warta nabada halka warar kalena ay sheegayaan in xildhibaan magaciisa aan lasheegin uu ku dhaawacmey,waxaana lagu waramayaa in goobta ay soo gaareen ciidanka alfa group kuwo caddaan ah iyo ciidamo xaga amaanka qaabilsan,iyadoo la sheegayo in dad badan ay ku dhinteen dad badana ay ku dhaawacmeen.
Maahan markii ugu horeysey ee .hotel Jazeera lala beegsado waana markii sadexaad ee la weeraro hotel Jazeera lamana oga waxa loo bartilmaameedsanayo hotelkan oo ku yaal airporka meel aad ugu dhaw,isagoo hotel Jazeera ah hotelka ugu qaalisan magaalada muqdisho waxaana dega dadka debedaha ka yimaada iyo kuwa dalxiiska ah.




