Reer cusub oo caruus ah oo burcad ku dishey agagaarka afgooye kadib markii ay isku dayeen in ay caruusadii kufsadaan.

0
565

Gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah ayaa lagu weerarey deg. Afgooye ee gobolka sh/hoose iyadoo si ka baxsan bini aadanimada ay u dhaqmeen burcadii weerartey gaariga rakaabka ah.

Burcadda oo labisnaa dharka tutaha ciidamada xogga dalka soomaaliyeed ayaa baartey dadki rakaabka ahaa iyadoo ay xitaa telefonadii ay ka qaateen,ugu danbeyntiina waxey sameeyeen wax aan hore loo arkin sida iyadoo ay lasoo dageen gabar aroosad ah oo ninkeedi la socdo isla markaasna ay damceen in ay kufsadaan,taas oo gabadha ninkeedi ka biyo diidey ayna rasaas ku fureen uuna halkaas ku shahiidey halka gabadhii aroosada aheyd ay dhaawacantey,gabadha hooyadeed oo ku dul barooraneysa meydka wiilki arooska ahaa iyo gabadhii oo dhaawac ah ayaa waxaa goobta soo gaarey ciidamo kuwa dawlada ah isla markaasna ka cararey goobti iyadoo aan waxba laga ceymin waxna laga dilin.

Dhaqamada nuucan oo kale ah ayaan soomaaliya ka dhicin dagaalo kasta oo ka dhacey,waana dhaqan xumo soo korortey,waxeyna imaneysaa iyadoo dhawaan laga rarey ciidamo xogga dalka katirsanaa oo wadada amni ahaan u joogey kuwaas oo markii ay ka cawdeen maamulka sh/hoose iyo dadka deegaanka meeshi laga qaadey,waxaana ka dhacey foolxumadan aan hore loo arkin,taas oo dawlada dhexe ka dhigeysa mid gudan weysey xilkii bulshada ka saarneyd.