Qarax bumbaane oo ay ku dhaawacmeen kuna dhinteen qaar kale oo aan tiradooda la shaacin ayaa ka dhacey magaalada Gaarisa ee somalida kenya ay degaan.
Qaraxan ayaa lala eegtey ciidamo koloyo ah oo dhexmaraya magaalada,waxaana la arkayey askar daadsan oo qaraxu saameeyey iyadoo ay adagtahey in xog laga helo meelaha qaraxu ka dhaco iyadoo ay markiiba isku hareereeyaan askartu meelaha ay wax ka dhacaan.
Maahan markii ugu horeysey ee magaalada Gaarisa uu qarax ka dhaco ama askar kenyan ah lala eegto,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo loo diyaargaroobayo sanadka cusub ee 2014ka insha allaah.




