Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Nosej Cumar Faaruuq Cismaan ayaa cambaareeyey xariga lagula kacey wariyeyaal ka hawlgala xarunta maamulka kmg ee Juba.
Wariye Xiis iyo wariye Nasteexo Maxamed Cumar ayaa xabsiga la dhigey iyadoo aaney jirin wax denbi ah oo ay galeen,waxa uuna xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta nosej Cumar Faaruuq Cismaan ayaa si shuruud la’aan ah u dalbadey in la siidaayo labadaas wariye,hadii la siideyn waayo wariyeyaashaas waxaan u arkeynaa in maamulka kismaayo uu saxaafada cadaw ka dhigtey.
Waa markii ugu horeysey ee ururka nosej uu ka hadlo tacadi ay maamulka kmg ee juba uu u gestey wariyeyaal shaqadoodi wata,waxeyna tani imaneysaa iyadoo la sheegayo in uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada nin ee ugu sareeyey hugaanka jabhadii Raaskamboodiyiinta maamusha kismaayo,waa sh Axmed Madobe iyo Macalim Maxamed Ibraahim.




