Kulan ay yeesheen m/weyne Xasan Sheekh,Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sida la sheegayo waxey kaga hadleen sidii uu m/weynuhu ugu qancin lahaa in aysan kamid noqoneyn xukuumada soo socota.
Labadan wasiir ee hore ayaa aad waxaa loogu xaman jirey in ay m/weynaha isugu dhawyihiin dadka oo idil,waxaana hada isasoo tareysa rajo xumada la xiriirta in aysan labadan mudane kamid noqon karin xukuumada C/weli Sheekh Axmed ee la filayo in kol dhaw lagu dhawaaqo.
Lama oga waxa ay go’aansadeen iyo qodobada kasoo baxey kulanka m/weynaha iyo labadan xubnood ee ay aadka isugu dhawyihiin,waxa uuna kulankani imanayaa xili la hadal hayo in xubno damuljadiid hore uga mid ahaa xukuumadii hore aysan midan cusub ka mid noqoneyn.




