Wararka Soomaaliya
Dagaalkan u dhaxeeyay qaxootiga kasoo kala jeeda labada wadan ee soomaaliya iyo koongo ee wada dagan dalaka Yuganda ayaa yimid kadib markii Dhallinyaro Kongees ah kuwaasoo doonayay in ay ku Ciyaaraan garoon kuyiilay goobta ay daganyihiin qaxootiga waxaana is hor taageen dhallinyaradii Soomaalida iyagoona u diiday in Dhallinyarada reer Koonggo ay halkaa ku ciyaaraan
Intaas kadib waxa halkaas ka bilowdey dagaal gacmaha la isula tegey ha yeeshee dagaalkaasi uu ku dhaawacmay wiil ka socde Konggo kaasoo muddo kaddibna Dhaawicii u Geeryoodey. Waxeyna arintaas ay ka caraysiisay Qaxootiguu Koongeeska kuwaasoo bilaabay inay soo weeraraan Soomaalida halka deggan hasa yeeshee ay Ciidamada Boliisku u soo gurmadeen.
Wararka naga soo gaaraya Dalka Ugandha ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ee Dalkaasi loo direy Xerada qaxootiga ee dagaalka uu kadhacay oo ku taala Duleedka Magaalada Kambala waxeyna ciidamada halkaas ay kasameeyeen baaritaano dad soomaali ah lagu soo qabtay
Xeradaasi qaxootiga ah ayaa waxa wada dagan qaxootiyaal ka kala yimid Waddamada Soomaaliya, Itoobiya Eritireeya iyo Koonggo
warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com
Soomaaliyeed ee Warsom
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-910111
(
info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com





