Dagaal Udhaxeeya Qaxootiga Soomailada Iyo Qoxootiga Koongo Oo Kadhacay Duleedka Magaalda Kampla Iyo Dawalada Yuganda Oo Ciidamo Udirtay

0
599

 

Wararka Soomaaliya

Dagaalkan u dhaxeeyay qaxootiga kasoo kala jeeda labada wadan ee soomaaliya iyo koongo ee wada dagan dalaka Yuganda ayaa yimid kadib markii Dhallinyaro Kongees ah kuwaasoo doonayay in ay ku Ciyaaraan garoon kuyiilay goobta ay daganyihiin qaxootiga waxaana is hor taageen dhallinyaradii Soomaalida iyagoona u diiday in Dhallinyarada reer Koonggo ay halkaa ku ciyaaraan

Intaas kadib waxa halkaas ka bilowdey dagaal gacmaha la isula tegey ha yeeshee dagaalkaasi uu ku dhaawacmay wiil ka socde Konggo kaasoo muddo kaddibna Dhaawicii u Geeryoodey. Waxeyna arintaas ay ka caraysiisay Qaxootiguu Koongeeska kuwaasoo bilaabay inay soo weeraraan Soomaalida halka deggan hasa yeeshee  ay Ciidamada Boliisku u soo gurmadeen.

Wararka naga soo gaaraya Dalka Ugandha ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ee Dalkaasi loo direy Xerada qaxootiga ee dagaalka uu kadhacay oo ku taala Duleedka Magaalada Kambala waxeyna ciidamada halkaas ay kasameeyeen baaritaano dad soomaali ah lagu soo qabtay

Xeradaasi qaxootiga ah ayaa waxa wada dagan qaxootiyaal ka kala yimid Waddamada Soomaaliya, Itoobiya Eritireeya iyo Koonggo

 

  

 warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com 

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

( 

info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com