Ciidamo Ka Tirsan Dawalad TFG-da Dhac Iyo Boob U Geystay Baqaar Kujiray Agab Gargaar

0
578

Wararka Soomaaliya

Galabnimadii maanta ayaa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah waxaa ay boob u gaysteen baqaar uu ku keydsanaa gar-gaar ay la heyd Hay’adda UNICEF kaasi oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhibaataysan Magaalada Muqdisho.

Baqaarka la boobay oo ku yaalla deegaanka Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku keedsanaa Raashiin, bacoha roobka laga galo iyo Maro-Kaneecooyin, waxanaa boobka uu bilowday kadib markii sida dadka deegaanka ay u sheegeen warbaahinta in Ciidamo ka tirsan dowladda ay boobka bilaabeen kadibna dad weyne farabadan oo danyar ah ay ku xoomeen baqaarkaasi.

Wararak ay helayso wakaalda warsom ayaa sheegaya in baqaarka la boobay ay laheyd Hay’adda HINNA islamarkaana uu gar gaarka ku jiray ay Mas’uul ka aheyd Hay’adaasi, waraka ayaa waxey intaas ay kudarayaan in hay`ada HINNA ay ufasaxeen boqlaal dad danyar ah oo hordhoobnaa baqaarka uu gar-gaarka ku keydsanaa.

Boobkan ay sameeyeen ciidamo kadirsan dawalada ayaa waxuu imaanyaa xil ay sheegeen in mishaarkooda ay wax kasiinayaan dadka kasoo baragacay abaaraha islamarkaana ay ka qeeb qaadanayaan gurmadka abaarah.

warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka somaliyeed si aad uhesho warar saxan oo sugan aqriso goorwaliba warsom.com

Soomaaliyeed ee Warsom

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-910111

(

 

info@warsom.com & webmaster@wmcaraab@hotmail.com