Dagaal u dhaxeeya maleyshiyaad kala taabacsan Axmed madoobe iyo gen.Darwiish oo kismaayo ka dhacey.

0
471

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan hugaamiyaha jabhadda raskambooni Axmed Maxamed Islam iyo kuwo taabacsan gen. Darwiish,dagaalka ayaa waxa uu ka bilawdey guryo leysku heysto guryahaas oo dadkii lahaa ka carareen oo ay ka qaxeen.

Gen.darwiish oo heysta ciidamo isugu jira beelaha harti,kuwaas oo wax ka xoreeyey lana dagaalamey alshabaab,isla markaana aan wax door ah ku laheyn marka laga hadlayo kismaayo,waxeyna u adkeysan waayeen sida ay u bahdilanyihiin,waxeyna carro ba’an ka qaadeen sida kismaayo ay ugu amarkutaagleynayaan,taas oo ay inkirayaan ciidamada jahada raskambooni.

Dagaalkan lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu geystey,hase ahaatee wuxuu dagaalkani imanayaa iyadoo khilaaf soo kala dhex galey labada nin ee ugu sareysa jabhada raskamboodi iyo maamulka kmg ee juba Axmed Madoobe iyo macalim Maxamed Ibraahim,mana aha markii ugu horeysey ee dagaal u dhaxeeya beelo iska soo horjeeda,si ay u hantaan maamulka magaalada kismaayo.