Weerar lagu qaadey airporka kismaayo oo ay alshabaab sheegteen.

0
490

Weerarkan lagu qaadey airporka kismaayo ayaa waxaa ka danbeeyey dagaalyahanada xarakada alshabaab,iyadoo madaafiicda iyo rasaasta leysdhaafsanayey laga maqlayey magaalada kismaayo.

Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kala gaarey dagaalyahanada alshabaab iyo ciidamada kenya oo sheegta magaca Amisom,iyadoo maantana gudaha magaalada kismaayo qarax lagula eegtey gaari ay lahaayeen ciidamada kenya iyadoo la arkey meydad iyo dhaawac ay qaadanayaan ciidamada kenya.

Maahan markii ugu horeysey ee weerar lagu soo qaado meelo kamida magaalada kismaayo iyo airporka magaalada,wuxuuse weerarkani kusoo beegmayaa iyadoo uu burburey heshiiski dhawaan dawlada federalka iyo maamulka juba ku gaareen adisababa dalka ethiopia,dawlada federalkuna ay hadda wado qabanqaabo ashkato in ay u gudbiyaan dawlada ethiopia oo damaanad qaadey fulinta heshiiskaas,mana jiro wax wara oo kasoo baxey dawlada ethiopia oo waqtigan si buuxda gacanta ku haya gebiahaanba qeybaha iyo maamulada ay u kala jajabeen dalweynihii la oranjirey Soomaaliya.