Qaraxyadan oo caawa laga maqley degmada x/weyne ayaa waxaa lagu tuurey bacadlaha x/weyne,waxaana in muda ah degenaasho laga dareemayey degmadan x/weyne.
Degmada x/weyne ayaa iyadana waxaa saameeyey burburinta lagu hayo dadka shacabka ah,waxaana bartilmaameed noqdey meelaha ay ku noolyihiin dad laga careysiiyey,dawlada xiligan iyo maamulka gobolka banaadir ma arkaan kamana fiirsadaan waxyaabaha dadka ka careysiiya,ama nabadgelyo xumada abuura.
Maahan markii ugu horeysey ee muqdisho laga maqlo qaraxyo isxig xiga hase yeeshee waxey qaraxyadan degmada x/weyne kusoo beegmayaan iyadoo beryahan laga nastey qaraxyo soo jiita dhagaha dadka rayidka ah,cabsiduna ay daris la noqoto,wax laga faa’iido iyo cidda ku hodanta aan la garaneyn.




