Soomaaliya Iyo Somaliland Kulankoodii Dalka Turkiga Oo Qodobo Xasaasi Ka Soo Baxay.

0
478

Xasan Sheekh Max’uud Gur-Guurte Madaxweynaha Dowladda
Federaaliga ah ee Soomaaliya
iyo Madaxweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) ayaa maanta ku
kulmey caasimadda dalka
Turkiga ee Ankra, waxaana kulanka
ku weheliyey Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee Turkiga Ahmed Davutogle.

Kulankan ayaa ahaa mid loo balansanaa isla markanaa qayb
ka ahaa wadahadalka labada dhinac, waxaana uu noqonayaa
kulankii saddexaad oo toos ah
oo ay isku soo horfariistaan
Madaxda Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo kuwa Somaliland.

Labada Madaxweyne waxaa ka horeeyey shir hordhac ah oo loo diyaarinaayey ajandaha ay ka
wada hadli karaan ama la isku waafaqi karo taas oo ay
diyaariyeen Wasiiro labada dhinac ka socdey, inkasta oo
arrimaha muhimka ah ay ku kala
aragti duwanaayeen.

Ergada Somaliland ayaa ku adkeysanaysa in aan laga wada
hadli karin Midnimada ama gooni isu-taagooda ayna tahay
muqaddas aan gor-gortan lahayn, waxaana ay doonayaan
in lagu koobnaado wada shaqeynta labada dhinac, is
dhaafsiga xogta, la dagaalanka
argagixisada iyo burcad- badeeda, isu socodka, ganacsiga,
qaybsiga deeqaha iyo heliada heshiisyo caalami ah.

Ergada ka socotey Dowladda
Federaalka ayaa sheegtey in
muhimadda meesha taala ay tahay ka hadlidda Midnimada
Soomaaliya, haddii aan taas laga
hadlina aan laga gudbi karin
caqabadaha jira, maadaama
waxyaabaha kale ay yihiin kuwo
horey ay uga wada shaqeyn
jireen dalkuna uu yahay mid isu
furan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa
shirka kadib sheegay in wada
hadalku ahaayeen kuwo yidi-diilo
xanbaarsan is afgaradna uu
dhaw yahay, waxaana uu ballan
qaadey in dhawaan war loo dhan yahay la soo saari doono.

Haddaba qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac qaar kamid ah qodobada
la isku waafaqey ee ka soo baxay
warka labada dhinac u dhan yihiin ayaa sidaan u dhigan.

1. In guddiga labada dhinac
isku afgarteen in wada hadalku
sii socdo

2. In la taageero baaqii horey
uga soo baxay Shirarkii dalalka
Ingriiska iyo Imaaraadka
Carabta

3. Wada hadalku in uu u
dhexeeyo Dowladda
Soomaaliya iyo Dowladda
Somaliland

4. In lagu heshiiyey in la
gaarsiiyo Somaliland
mucaawanada iyo arrimaha
horumarka Caalamku
Soomaaliya siiyo

5. In la wadaago arrimaha
amaanka, is dhaafsiga
sirdoonka, tababarada iyo
deeqaha waxbarasho, la
gadaalanka argagixisada,
burcad-badeeda iyo
kaluumeysiga sharci darrada ah

6. In muddo 90 malmood ah
gudaheed lagu kulmo
magaalada Istanbul ee dalka
Turkiga

7. Waxaa lagu heshiiyey in laga
fogaado hadalada iyo
dicaayadaha dhaawici kara
wada-hadalka labada dhinac
Isaga oo ku qoran luuqada
Ingiriisiga Akhri
Heshiiskan labada dhinac wada
gaareen waxaa u kala saxiixey
Dowladda federaaliga ah ee
Soomaaliya waxaa u saxiixey
Wasiirka Arrimaha Gudaha &
Amniga Cabdikariim Xuseen
Guuleed, Somaliland waxaa u
saxiixey wasiirka Arrimaha
Dibadda Maxamed Cabdullaahi
Cumar.