Afahayeen AMISOM Oo Sheegay Iney Xaqiijiyeen Amaanka Wadada Isku Xerta Muqdisho Bay, Iyo Bakool,Sheegayna Iney Faarujinayaan Fariisimaha Ay Sida Sharcidarada Ku Daganyihin.

0
442

fhayeenka ciidamada
AMISOM Cali Aadan Xaamud Oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta Ayaa waxa uu Hadlay arimo badan oo la xariira guryo ay leeyihiin dad
shacab ah oo ay muqdisho ka
dagan yihiin ciidamada AMISOM Kuwaa Oo Taageeta Dowlada.

Afhayeenka AMISOM Ayaa Sidoo Kale waxaa uu ka
hadlay xaalada amaan ee wadada xiriirisa Gobolka Banaadir Iyo gobolada Bay Iyo Bakool.

Cornel Xumud ayaa waxaa uu tilmaamay inay baahi u gaysay
inay ciidamadoodu dagaan meel
aan ku Haboonayn,isagoona
xusay sii daganaashada
guryahaasi ay qorshaynayaan
inay iskaga baxaan.

Sidoo Kale Afhayeenka Amisom ayaa sheegay in haatan ay hagaagsan tahay wadada isku
xirta Baydhabo iyo Muqdisho oo
la isticmaali karo si amaan ah oo
taasi ay ciidamada Dawlada federaalka iyo kuwa Amisom ay
la wareegeen amaanka Wadadaasi.

Amisom Oo dalka soomaaliya u jooga nabad dhalinta ayaa
waxay haatan kaga sugan yihii
gudaha magaalada
Muqdisho dhowr fariisimo Oo Ay Shacab U Arkaan Ineysan Eheen Goobahaasi Goob Ciidan.