Ra’iisul Wazaaraha Soomaaliya Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Madaxweynaha Dalka Burundi.

0
530

Saacid Cabdi Faarax
Ra’iisul Wazaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka
Burundi Pierre Nkurunziza
waxayna labada mas’uul ka wada
hadleen arrimaha iskaashiga labada wadan, gaar ahaana
amniga, dhaqaalaha iyo horumarka Iyo Arimo Kale.

Labada Masuul Kulankan Ay Yeesheen ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirra
wadamada dariska ee ay ciidamada nabad illaalintu ka
joogaan dalka Soomaaliya Wuxuuna si gaar ah uga
mahadceliyay dawladda iyo
shacabka Burundi kaalinta weyn
ee ay askartoodu ka qaateen howlgalka AMISOM iyo hiilka
walaalnimo ee ay u galeen ummada Soomaaliyeed Waxa Uuna Ra’iisal Wasaaraha tilmaamay in si
deg deg ah looga sifeyn doono
degaanada yaryar ee ay weli shacabka ku sii dhibaateeyaan.

Madaxweynaha
dalka Burundi Pierre Nkurunziza Ayaa Dhanka Kale Ra’iisal Wasaaraha ku
ammaanay dadaalka uu ugu jiro soo celinta amniga iyo xasilinta
dalka Soomaaliya, wuxuuna uga
mahadceliyay booqashadiisa
dalalka ay ciidamada nabad illaalinta ka joogaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wazaare Saacid Ayaa Kulanka waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin
Maxamuud Xaaji Faqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka
Burundi Abshir Xasan Abshir Faarax iyo xubno la taliyeyaal.